Xog: Xiisad ka taagan Isbitaal Madiina kadib xil ka qaadistii lagu sameeyey agaasimaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan isbitalka Madiina ee Muqdisho kadib markii agaasimihii xilka laga qaaday Dr. Maxamed Yuusuf Xasan uu diiday xil ka qaadis lagu sameeyey iyo inuu xilka ku wareejiyo agaasimaha cusub.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa dhowaan xilka agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina, oo hoos yimaada ciidanka booliska Soomaaliyeed, u magacaabay Dr. Haashim Faarax.

Ilo-wareedyo ku dhow taliyaha booliska ayaa ku eedeeyey Dr. Maxamed Yuusuf inuu diiday inuu xilka ku wareejiyo, waxaana taliyaha booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar uu amar ku bixiyay in uusan Isbitaalka soo galin Dr. Maxamed Yuusuf, haddii uu dibadda uga baxo.

Dhinaca kale, Dr. Maxamed Yuusuf ayaa beeniyey inuu ka hor yimid xilka ka qaadista lagu sameeyey, wuxuuna xusay inuu diyaar u yahay xilka inuu ku wareejiyo cida loo soo magacaabay, balse uu dalbaday waqti.

“Ma jirto xil wareejin aan ka hor imid, kaliya waxaan soo jeediyey in la i sugo lagana dhigo Khamiista soo socota, si aan u helo fursad aan ku diyaar-garoobo, maadaama aan muddo dheer soo maamulayey Isbitaalka, balse waa la ii yimid waxaana la igu yiri si qasab ah waa inaad hadda xilka ku wareejisaa taasoo aan suuragal ii aheyn, waana taas mida aan ka hor imid,” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Waxaa uu intaas ku daray in wixii intaas ka dambeeyey loo diiday isaga inuu galo Isbitaalka Madiina ka dib markii qoraal ka soo baxay taliye Xijaar la dhigay albaabka isbitaalka taasoo ilaalada ah ee Isbitaalka lagu faray inuusan soo geli karin gudaha.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in agaasimaha uusan wali ka bixin Isbitaalka ayna socdaan dadaalo arrintaas lagu xalinayo. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ciidanka ka amar qaadanaya booliska ay Dr. Maxamed Yuusuf xoog uga saaraan isbitalka.