Xog: DF oo qorsheynaysa arrin ka dhan ah KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii udambeeyay ku howlaneyd qorshe ay kor ugu qaadeyso canshuurta qaadka ka yimaada Kenya, xili shalay dib loo furay duulimaadyadii caalamiga ahaa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda ayaa rabta inay canshuur dheeriya ku kordhiso qaadka soo galaya dalka, iyada oo muddooyinkii dambe ay ganacsatada qaadku ay culeyso kala duwan kala kulmayeen dowladda.

Dowladda ayaa kor u qaadeysa canshuurta halka kiilo, qiyaas ahaan $5 (shan doolar), taasi oo ganacsatada qaadku ku macneeyen mid hoos u dhigeysa suurtagalnimada in qaadku uu wada gaaro macaamiishoodii.

Guddoomiyaha ururka ganacstada qaadka ee Kenya, Kimathi Munjuri oo u waramayey wargeyska Daily Nation ayaa hore u sheegay in dowladda federaalka ay maalmihii u dambeeyay ay kala kulmayeen cadaadisyo xoogan, iyadoo u dambeysay diyaaradii qaadka u siday deegaanada Puntland ee dib loogu celiyay Kenya.

Kimathi Munjuri ayaa walaac xoogan ka muujiyey tallaabooyinka ka dhanka ah ee dowladda federaalka, maadama uu sheegay inay u horseeday khasaaro maaliyadeed oo hor leh.

Munjuri ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalku ay iska dhago tirtay cabashooyinka ku aadan tallaabooyinkii u dambeeyay, taasi oo uu ku macneeyay mid nasiib darro ah.

Sidoo kale waxa uu dowladda Kenya ku canaantay inaysan dhigeeda Soomaaliya kala hadlin arrimahaasi oo dhulka galiyay dhaqaalihii buurna ee ganacsatada iyo dowladda Kenya ay ka heli jireen dhoofinta qaadkaasi, xili ay labada dowladdooda ka dhex aloosan tahay xiisad.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodeysa in diyaaradaha Kenya ee siday Qaadku ay ku xad-gudbeen xanibaadihii cudurka Covid-19 ee lagu joojiyey qaadkaasi, inkasta oo si tartiib ah loo wada qaaday xayiraadihii cudurkaasi.