Soomaali ku xiran xabsiyada Sacuudiga oo musqulaha biyaha ka caba (Warbixin)

Jeddah (Caasimadda Online) – Dad badan oo ajaanib ah ayaa ku xiran xabsiyada Sacuudiga, waxaana ka mid ah muwaadniin Soomaali ah oo shaqo u tagay dalkaas, waxaana halkaas laga soo sheegayaa nolol xumo aad u daran.

Ibraahim oo ah qof Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa laga soo qabtay Dukaan uu ka shaqeynayay oo magaaladda Jeddah ku yaala, waa 40-jir wuxuu ka sheekeeyay nolosha xanuunka badan ee halkaas ku heysata.

Ibraahim wuxuu sheegay iney cabaan biyaha musqusha, sidoo kalana aysan muddo arkin iftiinka qoraxda.

“Waxaan ka shaqeynayay dukaan ku yaalla magaalada Jeddah, ciidamada amaanka Sacuudiga ayaa i qabtay, ka hor waxaan dhuumaaleysi ugu noolaa magaalooyinka maadaama aan laheyn sharciga dalka” ayuu yiri Ibraahim oo la hadlayay Guardian.

Wareysiga uu bixiyay wuxuu ku sheegay in muddo bil ah uu ku qaatay xabsiga lagu sugto musaafurinta, wuxuuse arkay nolol liidata oo ku qabsatay xabsiga Al-Shumaysi.

Dad badan oo dalal kala duwan kasoo jeeda ayaa xabsiga kula xirnaa, waana dad aan heysan sharciga ogolaanshaha ku noolaansho ee dalka Sacuudiga, waxaana soo qabta ciidamada amaanka.

Xabsiga Al-Shumaysi wuxuu qaadaa in ka badan 30 Kun oo qofood, waxaana ku xiran dad isugu jira rag iyo haween, waxaa sidoo kale jirta caruur halkaas ku dhalatay iyadoo sariiraha ay ciriiri yahiin.

Taleefanada looma ogola maxbuuska, waa go’aan ay qaateen hawlwadeenada xabsiyada iyadoo la rabo ineysan gudbin xaaladooda nololeed.

“Waxey noola dhaqmaan six un, wey na dharbaxaan, waliba wax walba oo ay gacanta ku hayaan wey nagu dhuftaan, biyaha waxaan ka cabnaa suuliga, hadii aan lacag dhiibo waxaan helayaa biyo nadiif ah, hadii aan waayana biyaha suuliga ayaan cabayaa oo aan caafimaad ahaan fiicneyn”

Ibraahim wuxuu sidoo kale sheegay iney xaalad halis ah ku tahay xanuunka COVID19, maadaama ay jiraan dad badan oo qandheysan, qaar qufacaya, wuxuuna sheegay inaan dadkaas xitaa la geyn Karin isbitaal.

Boqortooyada Sacuudiga war kama heyso tirada Maxaabiista, si gaar ah waxaa howshaan u haya saraakiil, waana tan keentay in walwalka Xubnaha u dooda Xuquuqda Aadanaha uu sii kordho.