Xiisadda dalalka Turkey iyo Greece oo kasii dartay kadib markab weerar lagu qaaday

Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay in maraakiib ay leeyihiin ciidamada ilaalada ee dalka Greece ay rasaas ku fureen Markab xamuul ah oo marayey biyaha caalamiga ah ee badda Aegean, arrintaas oo sare u sii qaadaysa xiisadda u dhexeysa labadan dal.

Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta la sheegay in lagu riday markabkan oo marayey meel 11 nautical mile (13 mile) kaga beegan dhinaca Koonfur-Galbeed jasiiradda Bozcada ee dalka Turkiga, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Turkiga. 

Mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray in markii uu dhacay weerarkaas gardarada ah, oo ay ku lug lahaayeen laba Markab oo laga leeyhay dalka Greece, inay halkaas gaarheen laba Markab oo ah kuwa ilaalada xeebaha Turkiga, xilligaas oo maraakiibta Greece ay goobta ka tageen.

Telefoonada safaaradda Greece ee Ankara ayaan Axaddii laga jawaabin, mana cadda sababta dhalisay in la rasaaseeyo markabkaas.

Labadan dal ee deriska ah, waxaa ka dhex jira khilaafyo iyo is-faham waa, muddo tobanaan sano ah, waxaana muddooyinkan dambe soo ifbaxayey in khilaafka u dhexeeyaa uu cirka isku sii shareerayo, iyada oo labada dhinacba ay ku andacoonayaan in dhinaca kale u uku soo xadgudbay hawadooda.

Turkiga ayaa ku eedeeyey in Greece uu jebinayo heshiisyada caalamiga ah, iyaga oo ciidamo militari ah u diray xeebaha Aegean ee dalka Turkiga. Sidoo kale waxaa Turkigu ku eedeeyey dalka Greece inay ku xadgudbeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga intii lagu gudajiray dhoolatuskii NATO ee ka dhacay bariga biyaha Mediterranean ka.

Greece ayaase isagu ku doodaya inay u baahan yihiin inay difaacaan jasiiradaha ku yaalla dhinaca bari oo ay ku jirto goobta loo dalxiis tago ee Rhodes iyo Kos, kuwaas oo aad ugu dhow dalka Turkiga, marka qiyaas ahaan la eego inta ay u jiraan dhulweynaha Greece.

VOA