Muxuu Midowga Afrika ka yiri go’aanka kooxda TPLF?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka.

Wuxuu ugu baaqay fallaagada iyo dowladda federaalka inay dhaqangeliyaan xabad joojin deg deg ah.

Dagaal ayaa mar kale dib uga qarxay Tigray bishii August kadib in muddo ah ay xaaladdu deggeneyd balse hoggaanka Tigray ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo xiisadda.

Madaxda TPLF ayaa horey u dhaleeceeyay wadahadallada uu garwadeen ka ahaa Midowga Yurub iyagoo sheegay inay doorbidayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horkaco wadahadallada.

Ilaa iyo hadda lama hayo wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan arrintani balse horaan dowladda waxay sheegtay in wakhti kasta ay diyaar u tahay wadahadallada lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigray.