Xiisadda Dastuurka: Xasan oo ogolaaday hal arrin iyo mid kale oo uu ku dhagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo wariyay inuu ogol uga jawaabay go’aan ay gaareen koox siyaasiyiin ah oo maalmihii tegay ku wada sugna magaalada Garoowe, kuwaasi oo soo jeediyay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay aqbasho gogosha uu Garoowe dhigay Saciid Deni.

Shirkan ma ahan mid dib u heshiisiin ah oo dhinacyo is-haya loogu kala dab qaadi doono, ee waa ka doodida xaaladaha siyaasiga ah ee dalka yaalla iyo is-dhaafsiga fikrado wax ku ool ah oo kab u noqon kara marxalada ay ku jirto Soomaaliya, ayey leeyihiin dadka Villa Somalia ku dhow dhow.

Saciid Deni wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay gogoshiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhaqaaqay fulinta qaar kamid ah qodobadii uu ballan-qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada. Qaar ayuu durba dhameystiray, kuwana waxay u marayaan meel dhexe.

Howlaha bartamaha u maraya waxaa kamid ah dagaalka argagixisada iyo arrimaha dastuurka. Iyada oo siyaasiyiin badan iyo maamullada qaar ay madaxweyne Xasan ku hagradeen dagaalka uu kula jiro argagixisada oo taas ka dharagsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, ayaa dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradka waxay qeylo dhaan midda argagixisada ka badan ka muujiyeen qorshaha uu Xasan Sheekh ku dhameystirayo dastuurka.

Dhawaan waxaa la meel-mariyay habraaca loo maraayo dhameystirka dastuurka, kaas oo ka gudbay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha mucaaradka ayaa kasoo horjeestay qaabka loo maray ansixinta habraaca.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Garoowe tegay kulan qado ah oo madaxdii hore iyo madaxda maamullada la yeeshay wuxuu ka sheegay in dastuurka xilli walba wax laga beddeli karo, laakiin ay muhiim tahay in muddo xileedka la dhameystiro.

Wuxuu kale oo madaxdaas ku yiri idinku sii wada-hadla, wixii aad go’aamisaana waa soo dhaweyn doona. Waxaana go’aamadii ay madaxdaasi gaareen kamid noqday in shirka Garoowe la wada aqbalo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyo waqtiga la qabanayo shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya inta uusan Garoowe aadin in habraacii dhameystirka dastuurka uu baarlamaanka mariyo waxay u muuqatay mid ujeedo leh. Waxaana la sheegayaa inuu fahamsana inay siyaasiyiinta dalban doonaan wada-hadalka uu hadda Deni ku dhawaaqay oo waxa ugu muhiimsan ee looga hadlayo ay tahay arrinta dastuurka.

Shirkaas ka hor waxaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixo go’aankii baarlamaanka, si loogu shaqo bilaabo. Kadibna waxa uu la kulmi doonaa siyaasiyiinta isaga oo kala doodaya qodobada, balse habka loo marayo dhameystirka madaxweynaha ma rabo inuu ka laabto oo waqti badan ayuu arrintaasi ku dhaganaa.

Inuu madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay gogosha ay Puntland dhigtay sida uu Saciid Deni xaqiijiyay waxay ka dhigan tahay inuu Xasan Sheekh weli muujinayo bisayl siyaasadeed oo uu ogol yahay in wax badan lagala doodo, halka madaxdii ka horeysay la xasuusto inay diideen in qof siyaasi ah uu kala doodo tallaabooyinka ay qaadayaan inta lagu jiray muddo xileedkooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeen hore qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Saciid Deni.

Wuxuu Farmaajo ku baaqay in dhamaan siyaasiyiinta ay ka qeyb-galaan shirkaas, wallow uusan sheegin inuu isagu shaqsiyan ka qeyb-gali doono iyo in kale. Iyada oo la fahamsan yahay sida ay siyaasad ahaan weli u kala fog yihiin isaga iyo Saciid Cabdullaahi Deni.