Dagaalka Kornayl Caare iyo Somaliland u dhaxeeya oo waji cusub yeeshay

Ceerigaabo (Caasimada Online) ―  Hogaamiyaha Jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa waxa la filayaa inay u furmaan wada-hadalo.

Wada-hadaladan la filayo inay u furmaan Somaliland iyo Jabhada Caare ayaa waxay daba socota dadaalo iyo waan-waan ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray Odayaal iyo Waxgarada kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Guddigan ayaa maalmahanba waxay wada-hadal uga socday Jabhada Kornaylka oo ku sugan buuraha duleedka magaalada Ceerigaabo.

Waxaana la filayaa in wada-hadaladasi ay qeyb ka noqdaan Mas’uuliyiin ka socda Somaliland si xal looga gaaro tabashada Jabhadan oo hore uga tirsaneyd Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Korneyl Caare ayaa dhowr jeer oo hore dagaal culus ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, kuwaasi oo la filayo inay soo afmeeran wada-hadaladani.

Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa