Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha oo kasii dartay

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha difaaca ee Maraykanka ayaa ka digaya “sare u kac ballaadhan” oo ku yimi daandaansi ay sheegeen inuu kaga imanayo diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Shiinaha, kaas oo ka socda hawada caalamiga ah ee marin biyoodka Koonfurta Shiinaha.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa aad isugu dhowaaday diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay iyo diyaarado dagaal oo Shiinuhu leeyahay.

Laba sarkaal oo Maraykan ah oo magacooda qariyey ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay abuuri karaan falal ammaan darro oo aan lagu talo gelin.

Salaasadii waxaa Maraykanku ay sii daayeen muuqaal ay ugu yeedheen “dhaqdhaqaaq gardaro ah oo aan loo baahnayn” kaas oo uu sameeyey duuliye dagaal oo Shiinaha u dhashay, falkaas ayuu kula kacay diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maraykanka, 26-kii bishan May.

Duuliyaha Shiinaha u dhashay ayaa hormaray diyaaradda Maraykanka, isaga oo u jirsaday illaa 122 meter, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska ciidamada Maraykanka ee Indo-Pacific, kaas oo dusha kala socda hawlgallada milateri ee gobolka.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha debedda ee Shiinaha ayaa Arbacadii ku eedaysay Maraykanka, inuu masuul ka ahaa dhacdadaasi, iyaga oo sheegay in diyaaraddaasi ay sahan aad u dhow ku waday Shiinaha, taasoo halis ku ah amniga qaranka iyo madaxbanaanida Shiinaha.

Afhayeenka ayaa sheegtay inay tahay in Maraykanku uu joojiyo duulimaadyada noocaas ah ee halista keeni karaya.

Maxkamadda caalamiga ee The Hegue ayaa xukuntay inaanu Shiinuhu lahayn tixraac taariikheed oo tilmaamaya lahaanshohooda badda Koonfurta Shiinaha, laakiin Beijing ayaa iska indho tirtay go’aankaas.

Maraykanka ayaa si joogto ah, wuxuu hawlgallo uga fuliyaa, gudaha iyo hawada biyadda badda Koonfurta Shiinaha, si uu uga horyimaaddo, sheegashooyinka dhuleed ee Shiinaha, isla markaana uu u dhiirigeliyo in dalalka kale ay si xor ah uga gudbaan, iyaga oo isticmaalaya biyaha calaamiga ah, taasoo ay maraan kala badh, badeecadaha dunidu. hantidaas oo lagu qiyaaso dhawr trillion oo dollar, sannad walba.

Shiinaha ayaa sheegta guud ahaan biyahaas, halka dalalka Brunei, Malaysia, Philippines, Taiwan iyo Vietnam ay sidoo kale sheegtaan jaziirado ku yaalla gudaha biyaha koonfureed ee Shiinaha.

VOA