Xiisadda Turkey iyo France oo kasii dartay iyo wararkii ugu dambeeyay (Aqriso)

Paris (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa Turkiga iyo Faransiiska ayaa kasii dartay, kadib markii dowladda Faransiisku ay taageertay cuno-qabateyn ka dhan ah Ankara.

Xukuumada Paris ayaa si weyn u taageertay olole lagu rabo in cuna-qabateyn la saaro Turkiga, taasi oo ay dabada ka riixeyso Qubrus, oo kamid ah wadamada ay Ankara madaxa isla galeen, tan iyo markii ay bilowday sahminta shidaalka.

Qubrus iyo Turkiga ayaa isku haya bariga Mediterranean oo ay sida wada-jir ah u wada sheegtan labada dhinac, midaasi oo sii xoogeystay kadib markii Ankara ay dhawaan bilowday qorshaheeda sahminta.

Clement Beaune, Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska, ayaa sheegay in xayiraada ay Qubrus dalbatay in lagu soo rogo Turkiga ay tahay fursada u banaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, gaar ahaan haddii Ankara ay ku xad-gudubto wadan ururkooda kamid ah.

“Waanu tix-gelin doonaa cunaqatabeynta.Golaheena wuu soo saari doonaa hadii mid kamid ah wadamada naga midka ah lagu xadgudbo madax-banaanidiisa” ayuu yiri.

Hadalka Beaune ayaa imanaya kadib markii uu wada-hadalo la qaatay dhigiisa arrimaha dibedda Qubrus, Nikos Christodoulides, sida ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah.

Gariiga iyo Qubrus oo isku-dhac ah ayaa taageero ka helaya Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dowladaha reer Galbeed sidda Mareykanka, kuwaasi oo la fahamsan yahay inuu xifaaltan kala dhaxeeyo dowladda Turkiga.

Si kastaba, Turkiga iyo Faransiiska ayaa waxa hore uga dhex aloosneyd xiisad xoogan oo u muuqata mid kasii dareysa, kadib tallaabooyinkan dambe ee ay qaaday xukuumadda Paris.