31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xiisad colaad oo ka dhex taagan Ahlu Sunna iyo DFS iyo dagaal laga baqayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed ayaa ka taagan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xiisada ayaa la sheegayaa inay u dhaxeyso ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlu sunna oo ku sugan degmada Guriceel iyo degmada Dhuusomareeb, iyadoo laga baqayo in dagaalo ay halkaasi ka dhacaan.

Xiisada taagan ayaa ka dambeysay kadib markii natiijo rasmi ah laga gaari waayay wadahadalada u dhaxeeya beelaha kala duwan ee tagan goboolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay dadka deegaanka u sheegeen in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ay u jiheysteen dhanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna dhankooda ay tageen deegaanka Kalxamur oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Waxaa wali socda dadaalo ganacsato iyo dadka deegaanka ay ku doonayaan in xiisada lagu dhameeyo, iyadoo aan wali natijo laga gaarin.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News