31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Hadal yaab leh: “Amniga mas’uuliyad kama saarna ciidanka DF” Waxaa yiri.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha BF Somaliaa ayaa ka hadlay hanaanka ugu sahlan ee lagu xaqiijin karo Amaanka Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdullaahi, ayaa sheegay in Amaanka hada uu yahay mid ka wanaagsan sidii uu ahaaa dhowr sano ka hor, balse waxa uu Laamaha amaanka ugu baaqay inay laba jibaaraan howlgalada lagu xaqiijinaayo amaanka guud.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta dowladda iyo cid walba oo amaanka quseeya looga baahan yahay in meesha laga saaro dul duleelo uu sheegay in ay jiraan si amniga wax looga qabto.

Cabdullaahi waxa uu tilmaamay in xaqiijinta amaanka ay tahay mid mas’uuliyad ka saaran dhamaan madax iyo muwaadinba balse loo baahan yahay in ciidamada ku shaqada leh amaanka loo dhaameystiro xuquuqdooda, kadibna lagula xisaabtamo amaanka.

Sidoo kale, Cabdullaahi ayaa sheegay in loo baahan yahay dadaal xoogan oo ku aadan in lagu sugo amaanka, islamarkaana shacabka lala kaashado sidii amniga wax looga qaban lahaa.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxauu yiri “Dowladda asalkeeda waa Nabad Galyada, weli wey dabacsan tahay , daldaloola ayaa jira, waxaana lagu dabooli karaa dadka in la qanciyo, shacabka lala xiriiro, in dhaqaalo la adeegsado oo wardoon la helo, waa in ay jiraan dad shaqeynaya oo warka keenaya, intaas hadii la sameeyo waxaan filayaa in umadda ay nabad helayso”

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen ayaa soo hadal qaaday howlgalada ciidamada ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay inay is waafaqaan howlgalka ciidanka iyo sidoo kale amaanka magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News