25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

SAWIRRO: Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa dalka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle ayaa biladda lagu guddoonsiiyey xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Djibouti ay wax weyn u qabteen shacabka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu mudan yahay biladdaasi iyo wax ka badan, Soomaalidanna aaney weligood ilaabi doonin abaalka loo galey.

Madaxweynaha Djibouti oo isna munaasabaddaasi ka hadley ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay Soomaaliya.

Xafladda casho sharafta waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha wafdiga Djibouti, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, xubnaha baarlamaanka, taliyeyaasha ciidammada, xubno ka tirsan Akadememiyad Goboleedka Afka Soomaaliga iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa suugaan kala duwan ku soo bandhigey kooxaha fanka ee gobolka Banaadir.

geel1geel2geel3geel4geel5geel6geel7

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News