Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Centeral ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa waxaa fuliyay Laba qof oo midi ay dumar tahay, halka ruuxa kalane la sheegay inuu ahaa wiil qabay gabadha fulisay Qaraxii labaad.
Labada ruux ee weerarka fuliyay ayaa waxaa xaqiijiyay Laamaha ammaanka DF Somalia, waxa ayna sheegen in haweeneyda is qarxisay ay mudo afar bilood ah ka shaqayn jirtay Central Hotel, ka hor intii aynaan weerarkaasi fulin.
Sidoo kale wararka Wararka Faransiiska AFP oo xiganeyso Saraakiisha laamaha Amaanka DF ayaa waxa ay baahisay in haweeneydaasi lagu magacaabi jiray Luul Axmed Daahir, halka ninkana la oran jiray Ismaaciil Muuse.
Ismaaciil waxa uu weerarkaasi ku fuliyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo yaalay goob ku dhow Masaajidka, xilli Salaadda Jimcaha ay ku tukanayeen masuuliyiin Dowladda ka tirsan, Saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo weliba dad shacab ah.
Luul Axmed Daahir, ayaa daqiiqado yar uun ka dib is qarxisay, kolkii uu dhacay qaraxii koowaad.
Luul waxay is qarxisay xilli dadkii Masaajidka ku tukanaayay, ay ku kala carareen qaraxii hore, waxa ayna halkaasi ku galaafatay nolosha dad badan.
Dhanka kale, Luul ayaa waxa ay ku wanaagsaneyd habdhaqanka iyo maamuuska, waxa ayna Macaamiisha Central Hotel gabadhaasi ay ugu yeeri jireen ”Luuley”.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

