Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka DF Somalia ay siyaabo kala duwan u qaabilayaan Sirdoonka Reer galbeedka ka jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in inta badan kulamadaasi ay marti galisay Villa Somalia, iyadoona ujeedka lagu sheegay in ay DF Somalia ku uruurineyso macluumaad ku saleysan Liisaska dhalinyaradii Soomaalida ka imaaday qurbaha ee weerarada kala duwan ka fuliyay xarumaha DF iyo goobaha lagu qaxweeyo ee ku yaala Muqdisho.
Dowladda ayaa sidoo kale ka codsatay sirdoonka reer Galbeedka inay caawimaad ka siiyaan baaritaanada ficillada argagixiso eek a dhaca magaalada Muqdisho.
Madaxda Qaranka iyo Sirdoonka reer galbeedka ka jooga Muqdisho, ayaa is weydaarsaday Liisas iyo macluumaadyo ay labada dhinac ka hayeen weeraradaasi, waxaana xusid mudan in DF ay Sirdoonkaasi ka dalbatay inay ka caawiso la socodka dhaqdhaqaaqyada Soomaalida ka imaaneysa qurbaha ee dalka dib ugu soo laabaneysa.
Hay’adaha Amaanka ayaa iyagu mudooyinkaani dambe ku jahwareersan weerarada ay fulinayaan Soomaalida qurbaha ka imaaday, iyadoona daraasad la sameeyay lagu ogaaday in tirada ugu badan weerarada ka dhaca Muqdisho ay fuliyeen dhalinyaro dalka dib ugu soo laabtay.
DF gaar ahaan Wasaarada amniga iyo Hay’ada sirdoonka Somalia ayaa dhowr jeer ku celceliyay in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyan Hay’adaha amaanka, inkastoo taasi aysan dhicin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

