Dhallinyarada reer MUQDISHO oo lagu ugaarsanayo Hargeysa & sababta oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiyada halkaasi ku yaala ay buux dhaafiyeen dhalinyaro kasoo jeeda Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhalinyaradaasi lagala baxay aqalada ay ka degan yihiin Magaalada Hargeysa, kadib markii la sheegay in looga shakiyay inay carqaladeynayaan ammaanka.

Salaad Nuur oo ka mid ah dhalinyarada halkaasi sida xaqdarada loogu xiray, ayaa la tilmaamayaa in xili habeenimo ah gurigiisa lagala baxay xili uu ka imaaday Jaamacad uu halkaasi ka dhiganaayay waxaana iminka lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Dhalinyarada ayaa waxaa inta badan aqaladooda kala baxa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran kuwaasi oo inta badan fuliya howlgalada ad adag.

Dhalinyaradaasi ayaan la garaneynin u jeedka ka dambeysay xarigooda, mana jirto cid ilaa iyo iminka ka hadashay, walow qoysaska dhalinyaradaasi ay qaab siyaasadeysan u dhigeen xariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com