Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka xiran inta badan Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo laga celinayo Dadka iyo Gaadiidka.
Xirista wadooyinka ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay Dadka u shaqa taga Magaalada iyo Ardeyda Waxbarasho, kadib markii laga mamnuucay gabi ahaan isticmaalka lugta.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada ugu mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, ilaa wadada Aada Garoonka Diyaaradaha, mana jirto cid halkaasi isticmaaleyso.
Madaxweynaha Jabuuti oo xalay ku baryay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in Saaka uu ka baxo Dalka oo uu aado Jabuuti, arrintaasi oo ay suuragal tahay in Wadooyinka loo xiray, waxaana la arkayaa Ciidamo badan oo dhooban wadooyinka iyo kuwo gaafwareegayo.
Inta badan shacabka Magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujinaaya xirnaanshaha wadooyinka muhiimka ah, waxa ayna taasi ku dhaliilaan DF Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]