Xijaar oo shaaciyey ciidan noocoodu ku cusub dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaaciyey inay sameeyen ciidamo gaar ah oo u tababaran la socodka iyo ka hortaga dambiyada iyo akhlaaq darada ka dhaca Social Media-ha.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in dalka ay ku soo bateen dambiyo nooc cusub ah, gaar ahaan baraha bulshada oo uu sheegay in dadka qaarkood ku faafiyaan waxyaabo wax u dhimaya akhlaaqiyaadka bulshada, saameyna ku leh dhaqankeena.

“Waxaa soo baxay dambiyo cusub oo aan hore u qabi jirin, waa in lala socdo oo la raaco. Ciidan badan ayaa u tababarnay oo waxaa u sameynay hogaan gaar ah oo isaga la tacaala sidii dambiyadaas loo yareyn lahaa,” ayuu yiri.

Taliyaha oo hadalkaan ka jeediyay shir Sanadeedka Garsoorka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay sare u qaadeen tababarada ciidamada iyo saraakiisha kala duwan ee dowladda.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa is leeyahay marka aan qiimeeyo sanadkii lasoo dhaafay isbedel weyn oo la taaban karo ayaa ka jira dhinacyo badan oo ay ugu horeyso xeer ilaalinteena iyo maxkamaddaha.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay baraha bulshada ku soo bateen waxyaabaha anshax ahaan aan wanaagsaneyn, kuwaasi oo ay ugu dambeysay haweenay hooyo ah oo labo caruur ah oo ay dhashay ka duubtay muuqaal ay siineyso shiishad, taasi oo markii dambi ay gacanta kusoo dhigeen laamaha amaanka.