XIJAAR oo xil ka-qaadis ku sameeyay taliyaha magaalo ka mid ah degaan doorashada

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa maanta wareegtu uu soo saaray ku sameeyay xil ka qaadi siyo magacaabis.

Taliye Xijaar ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Gaashaanle Maxamed Qorsheel, isaga oo ku bedelay Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Taliye Duurdege ayaa badalaya Gaashaanle Qorsheel oo ahaa Taliyihii ciidamada booliska ee magaalada Beledweyne oo kamid ah magaalooyinka loo asteeyay inay ka qabsoomaan doorashooyinka dalka.

Sarkaalka cusub ee la magacaabay ayaa horey uga tirsanaa Hoggaanka Ciidamada booliska wuxuuna kasoo shaqeeyay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Gaashaanle Maxamed Qoorsheel uu ku mashquulsanaa nabadgalyada Magaalada Baladweyne oo ay ka dhaceyso Doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Lamana oga sababta soo dadajisay xil ka qaadistiisa.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Golaha Shacabka ka qabsoomto magaalada Beledweyne, waxaana amnigeeda iska kaashan doona ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuw AMISOM.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii