Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena u soo noqday wasiirka arrimaha Gudaha ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu soo dedejinayo doorashadii 2016, wuxuuna baaq ku soo jeediyay in degdeg doorashada loo qabto, lana doorto Madaxweyne cusub.
“Xaaladda meesha ay mareyso, ma sugi karto Ogost, waxaan codsanayaa inaan meel soke ku laab-laanan, waa in dalkan aan badbaadino… waa in guddi loo saaro oo doorashada madaxweynaha degdeg loo qabto afar bilood lasoo hormariyo….” ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay inaysan suuragal ahayn in xaaladan lagu jiro.
Xildhibaano ka tirsan Baarlabaanka DF ayaa sidoo kale caawa is qoray oo bilaabay mooshin xilka aay rabaan in looga xayuubiyo RW. CCC.
RW CCC iyo Madaxweynaha ayaa isku mari la cidda lagu bedeli lahaa Gen. Tuuryare. RW CCC ayaa waxaa uu rabaa in xilkaas loo dhiiba nin qaba walaashii oo lagu magacaabo Golden oo ka mid ah ragga u shaqeeya dowladda mareykanka ee turjuma codadka laga duubo telefoonada. Halka madaxweyne Xasan Sheekh uu rabo in loo magacaabo Ibraahim Sheekh Muxudiin oo hadda ah ilaalada madaxtooyada Villa Somalia.
[su_audio url=”http://www.warqaad.org/wp-content/uploads/2016/03/Xildhibaan-Goodax.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

