27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

BFS oo ka shiraya mustaqbalka wasiirka amniga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday iney kulan su’aalo weydiin ah la qaataan wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.

Sababta xildhibaanada u diideen iney su’aalo weydiiyaan wasiirka ayaa lagu sheegay iney tahay in xildhibaanada ay doonayaan taliyaasha nabad sugida iyo booliska.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga tashanayaan mustaqbalka wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, sida xildhibaanada qaar ay sheegeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanada qaar ay doonayaan in wasiirka markale uusan hor imaan baarlamaanka, iyada oo aysan la socon taliyaasha amaanka oo ay doonayaan iney su’aalo gaar ah weydiiyaan.

Wasiirka amniga ayaa horey u hortagay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna balanqaaday in baarlamaanka uu horkeenayo taliyaasha amaanka si iyagana amaanka Muqdisho su’aalo looga weydiiyo.

Wasiirka amniga C/risaaq Cumar Maxamed kaligii, ayaa maanta xildhibaanada hortagay, waxayna xildhibaanada ka biyo diideen wasiirka oo aysan la socon taliyaha nabad sugida iyo taliya booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News