27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

R/W CC oo la filayo inuu xilka ka qaado Tuuryare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu Xafiiskiisa kula kulmaayo Xubno la sheegay inuu kala tashanaayo xil ka qaadis uu ku sameynaayo Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/raxmaan Tuuryare.

Wararka aan ka heleyno dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha, waxa ay sheegayaan in Sharmaarke ay ka go’an tahay xil ka qaadis uu ku sameeyo Taliyaha NISA, waxa uuna kulanka iminka ka socda halkaasi la xiriiraa xil ka qaadista Tuuryare.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka uu ku guda jiro xil ka qaadista Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/raxmaan Tuuryare, waxa uuna iminka Xafiiskiisa kulan kula qaadanayaa Mas’uuliyiin kala duwan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa lasoo sheegayaa in xilka Taliyenimo ee NISA uu u magacaabi doono nin magaciisa lagu sheegay Ibraahin Sheekh Muxudiin oo iminka ah Taliyaha ilaalada Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa suuragal ah in isbedel uu ku imaado go’aankaani iminka la sheegaayo inuu qaadan rabo Ra’isul wasaaraha dalka, waxa ayna wararku sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu dalbaday in wakhti kooban lasiiyo Tuuryare hayeeshee Ra’isul wasaare sharmaarke uu diiday arrinkaasi, sababa la xiriira fashilka amni ee iminka taagan..

Ma cadda go’aanka kasoo bixi doona Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka, balse waxa ay xogtu sheegeysaa in Tuuryare xilka laga qaadayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News