Xildhibaam shaaciyay halista qorshaha shirka London ee lagu burburinayo ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha BFS, ayaa arrin sharaf dhac ah ku sheegay talaabada ay Madaxda Qaranka ku doonayaan inay ku cuuryaamiyan awooda ciidamada Xoogga dalka.

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa sheegay in qorshaha socda uusan noqon doonin mid Somalia ay ku mirro dhasho, waxa uuna tilmaamay in sharafka ciidamada Qaranka uu dhintay wixii ka danbeeya shirka London.

Xildhibaanka ayaa dhaliishaani sheegay mar uu khudbad ka jeedinaayay kulankii Baarlamaanka ee looga doodayay Qorshaha dhismaha Ciidamada ee la doonayo in ciidamo gaaraya 18,000 askari lagu dhiso, kuwaasoo laga kala keenayo maamul goboleedyada, ayaa sheegay inay tahay arrin halis ku ah Qarnimada.

Xildhibaan Mahad waxa uu sheegay in hirgalinta qorshahaani ay Somalia uga dhigan tahay musiibo Qaran, waxa uuna cadeeyay in BFS wax laga weydiin doono.

”Hirgalinta qorshahaani waxaa lagu tijaabinayaa baarlamaanka iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed haddii ay dhacdo in laga aamuso waxaa hirgali doona waxyaabo kale oo halis ku ah Qaranka oo la dib dhigay”

Mahad Salaad ayaa ka dhawaajiyay in Soomaalida looga baahan yahay inay yeeshaan damiir isla markaana is hortaagan dhammaan waxyaabaha lagu cuuryaaminaayo Qarankooda.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Gobolada ay isku raaceen in la baabi’iyo dhammaan ciidamada xooga, isla markaana la sameeyo 18-kun askari, oo maamul goboleed kasta ka imaanaya 3,000 oo askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com