Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay haamihii qaraxyada ee lagu qabtay Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay rag doonaayay inay qaraxyo Ismiidaamin ah ay ka gaystaan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Ciidamada ayaa ragaani la qabtay qaraxyo aad u farabadan oo qaarkood laga soo buuxiyay haaman dhowr ah, waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada amaanka.

Taliyaha ciidanka Madaxtooyda Puntland Cabdirashiid Cabdiraxmaan Ismaaciil ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook, wuxuu ku sheegay ciidamada inay heleen xog 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku daba jireen.

C/rashiid C/raxmaan Ismaaciil wuxuu sheegay ciidamada inay gacanta ku dhigeen gaadiid lagu soo diyaariyay fuustooyin ay ka buuxaan qaraxyo, taasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Boosaaso.

Taliska Booliiska gobolka weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin qaraxyada iyo rag waday ee ay qaybteen iyo kooxda ay ka tirsan yihiin iyo xarumaha loogu talagalay in lagu qarxiyo.