Xog: CC Shakuur oo Nairobi ka wada olole la mid ah kii CC Sharmaarke iyo DF oo go’aan qaadatay

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi in badan ku dhex jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka bilaabay ololo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shirar iyo kulamo looga soo horjeedo dowladda ku qabanayo Magaalada Nairobi, waxyana wararka sheegayaan inuu yahay xil raadis, isagoo dowladda Soomaaliya uga baahan in loo magacaabo safiir.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka warheyso qorshaha mucaaradnimo ee uu Cabdishakuur ka wado Nairobi, waxayna xogta hoose sheegeysaa inay dowladda go’aan ku qaadatay inaysan wax xil ah siin Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa musharixiintii u tartamaya xilka Madaxweynimo ee uu ku guuleystay Farmaajo, wuxuuna ka mid ah siyaasiyiintii taageersanaa inuu Farmaajo madaxweyne noqdo, lamana ogo sababta rasmiga ah ee ka dambeyso inuu mucaarado.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inuu Cabdishakuur ka waayey Farmaajo xil iyadoo laga yaabo in lala galay balamo loogana baxay midaasna ay keentay inuu seefta gasha kala baxo.

Ololo noocaan camal ayaa waxaa horey Nairobi uga sameeyey Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, kaasoo gaaray ujeedkii uu kalahaa, lamana hubo haddii uu Cabdiraxmaan heli karo ujeedka uu ka leeyahay mucaaradnimadaan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com