Xildhibaan si indho la’aan ah u taageersaneyd Farmaajo oo maanta lagu bahdilay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo si weyn u taageeri jirtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu celiyay garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde xili ay ka dhoofi rabtay.

Luul oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in shalay iyo maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, markii dambena loogu handaday inaysan u dhoofi karin Kismaayo, oo ah deegaan doorashadeeda.

“Shalay iyo Maanta Airport-ka taaganahay waa ka bixi waayay, mar la igu dhaho diyaaradaha waa buuxaan oo laguma qaadayo iyo mar sas la igu rido oo maanta ay dadka reerkayga isoo waceen oo idhaheen shirqool ayaa ku diyaar ah oo magaalada ma imaan kartid la igu yiraahdo,” ayey tiri Luul Cabdi Aadan.

Luul ayaa ku fadhisa kursiga HOP#133 oo ay rabtay inay markale isku taagto, wuxuuna kamid yahay kuraas doorashadooda uu shaaciyay Guddiga SEIT Jubbaland in magaalada Kismaayo lagu qaban doono maalinta Isniinta ee soo socota.

Waxay ku eedeysay in kursigaan uu boobayo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uuna si gaar ah ugu xiray shaqsi uu wato Saciid Deni oo ah madaxweynaha Puntland oo la fahamsan yahay inuu ku jiro damaca kursiga ugu sareeya dalka.

“Kursigaan waxaa loo xiray nin uu wato Deni, oo aan aheyn beesheena. Waxaa nasiib darro ah in xad-gudubkooda u soconayo kursiga waxaa iska leh Dumar oo waa qoondada haweenka, haddana sida lagu heshiiyay beesha iska leh 3 kursi inay keenaan 1 dumar ah.”

Ugu dambeyntiina waxay baaq u dirtay Ra’iisul Wasaaraha, Maxkamadda sare iyo guddiyada FEIT iyo SEIT si ay wax uga qabtaan cabashada ay ka qabto kursigay ku fadhiso, oo ay sheegtay in laga wareejiyay qoondadii haweenka ee uu ahaa.

Luul ayaa si weyn loogu xasuusta inay si aan qarsooneyn u taageereysay Labadii Sano ee muddo kororsiga aheyd ee uu sameystay Farmaajo, sidoo kalana si weyn u weerartay xildhibaanada mucaaradka oo qaarkood ay xatooyo ku eedeysay iyadoo saxaafadda la hadleysay.