Xog: Labada qorshe ee la xiriira doorashada ee Axmed Madoobe u tegay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka wado kulamo caalami ah oo uu la leeyahay beesha caalamka iyo dowladda Kenya. 

Safarka Axmed Madoobe oo kusoo beegmay xili xasaasi ah oo taagan muran ku saabsan halka lagu qabanaayo doorashada 16-ka kursi ee maamulkaasi u harsan, kuwaas oo ah kuraasta loo qorsheeyey in lagu doorto magaalada Garbaaharey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa laba qorshe u jooga Nairobi, kuwaas oo la xiriira doorashada golaha shacabka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashada magaalada Garbahaarey.

Axmed Madoobe ayaa qorshihiisa koowaad yahay inuu beesha caalamka u sheego in Farmaajo oo ciidan adeegsanaya uu caqabad ku noqday doorashada Garbahaarey, wuxuuna Axmed Madoobe isla maanta la kulmay diblomaasiyiin caalami ah isaga oo eedeyn xooggan u jeediyey dowladda federaalka.

Qorshaha labaad ee Axmed Madoobe ayaa ah inuu kala hadlo dowladda Kenya sidii ay u diyaarin lahayd in doorashada kuraasta 16-ka kursi ee Garbahaarey loogu qaban lahaa degmada Ceelwaaq ee dhanka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah AMISOM, waxayna heli karaan taageerada beesha caalamka, haddii loo xil-saaro inay sugaan amniga doorasho ka dhacda Ceelwaaq.

Guddiga doorashada iyo maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay dhici doonto doorashada 16-ka kursi ee salka u ah khilaafka Axmed Madoobe iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo.

Guddiga ma shaacin goobta, balse waxaa aad loo hadal hayaa in Ceelwaaq ay tahay magaalada ugu macquulsan, maadaama ay dadka Gedo aqbali doonin Kismaayo.

Degmada Ceelwaaq ayaa dhacda xuduud beenaadka ee kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.