Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenada labada aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen dhameystirka doorashada baarlamanka iyo qabashada doorasho dhexdhexaad ah oo ah Af-hayeennada labada aqal iyo Madaxweynaha

“Saaxiibada caalamiga ah waxa ay la socdaan in doorashada in ka badan boqolkiiba 80  ee kuraasta Golaha Shacabka lagu dhameystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si xoog leh ugu boorrineynaa dhammaan daneeyeyaasha  in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi-socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xalliyaan wadahadal iyo wadar ogol, si si dhaqse ah oo lagu kalsoonaan karo loogu soo afmeero doorashooyinka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ugu baaqeynaa inay ka foggaadaan hannaanada oo ka mid tahay geeddi-socodyo is garab socda, oo aan ku saleysneyn heshiis ey u dhan yihiin dhinacyada muhiimka ah.”

Xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale dalbaday in dadaallada la laba-laabo si loo gaaro qoondada boqolkiiba 30 ee metalaadda haweenka ee baarlamaanka. Qoondada haweenka ayaa u muuqata inay sanadkan gaari doonin 30%, ayada oo inta badan xildhibaanada la doortay. 

“Saaxiibada caalamiga ah waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ku boorinayaan inay ku dhawaaqaan u diyaar garowga Hangarka oo ay balanqaadaan ka go’naanshiyahooda si loo tixgeliyo qodobbada dastuurka dastuurka Soomaaliya ee la xiriira geeddi-socod dhexdhexaad ah oo xalaal si loo doorto Af-hayeennada labada Aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.