Xildhibaan aad ugu dhow FAHAD oo maanta waayey kursigi uu ku fadhiyey 12 sano

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Kismaayo ee Jubbaland lagu qabtay doorashada laba kursi, Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa loo doortay kursiga HOP#124 oo uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga Farmaajo ee Fahad Yaasiin.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa caawa si rasmi ah u waayey kursigaan oo uu ku fadhiyey 12-kii sano ee lasoo dhaafay, waxuuna waayahaan waday isku dayo iyo dadaallo xoogan, si dib loogu soo doorto HOP#124, balse Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dagaal culus uu kala dhaxeeyo kooxda Farmaajo ayaa taas ka hor istaagay.

Cabdiraxmaan Dheere, isagoo xildhibaan ah oo beel dhan baarlamaanka ku metela ayuu ku shaqeynayey 5-tii sano ee lasoo dhaafay Kaarka sarkaal ka tirsan NISA, sidoo kale waxuu mar isku dayey inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doorashada Kismaayo ee u raro Garbahaarey, balse waxaa kasoo horjeestay beeshiisa oo ku gacan seyrtay damaciisa ah in kursigaas loo weeciyo magaalo kale.

Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo ah xildhibaanka cusub ee caawa ku guuleystay kursiga Cabdiraxmaan Dheere ee HOP#124 ayaa horay ugu fadhiyey kursigaas, isagoo beeshiisa xildhibaan u soo ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2004-tii illaa 2012-kii.

Dhanka kale Maxamed Maxamuud Jaamac ayaa caawa ku guuleystay kursiga HOP#029, waxaana caawa Kismaayo lagu qabtay doorashada labadaas kursi oo kaliya.