Xildhibaan: Ma arag meel aan ku kala jabnay oo aan ku noqonay Aalla Sheekh iyo DAMU-JADIID

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo qoraal kasoo baxay Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta Somalia iyo Eritrea lagu sheegay in Xildhibaanada BF Somalia ay labo u kala jabeen ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ee ahaa in BF u kala jabay ayuu ku sheegay mid been abuur ah, waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanadu ay yihiin kuwo wada shaqeeya islamarkaana uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan.

Waxa uu sheegay inuusan arag Xildhibaano ka tirsan BF oo u kala jabay Aala Sheikh iyo Dam Jadiid, waxa uuna tilmaamay in arrinkaasi uu yahay mid been abuur ah.

Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in Seddexdii sano ee la soo dhaafay ay Xildhibaanada Baarlamaanka aad u shaqeeyeen iyagoo gudanaya waajibaadka loo igmaday wuxuuna meesha ka saaray in ay gabeen hooshoodii.

Wuxuu tilmaamay in Mudanayaasha dhaliilaha ay u jeedinayaan Hay’adaha dowladda ay yihiin kuwa ay ku saxayaan qaladaadka Madaxda dowladda balse aysan ahayn kuwa ay ku burinayaan wada shaqeynta iyo horumarka dalka.

Geesta kale, Xildhibaanka ayaa eedeymaha Monitoring Group ku tilmaamay kuwo la iska soo qoray oo aan loo meel dayin waxa uuna xusay in Howshooda aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin , wuxuuna ugu baaqay Kooxda warbixinada ay qorayaan in ay noqdaan kuwa laga baaraan dagay oo cadeymo leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com