Xildhibaan CALI SICIID FIQI oo u gefay beesha ABGAAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed, ahna xildhibaan federaal Cali Siciid Fiqi ayaa barta twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku beegsanayo uguna gefayo bulshada beesha Abgaal.

Cali Siciid Fiqi ayaa qoraalkiisa ku yiri “Suurtagal ma tahay in oraahda “UNUKAA LEH” laga saaro garaadka ummadda Soomaaliyeed? Waagii hore, waxaynu ku wada noolaan jirnay si wada jir ah, sidii qaran midaysan, iyadoo aanay muwaadiniintu la kulmin dareen fogaansho marka ay jooga deegaan ka baxsan xuduudda qabiilkooda.”

Waxaa durbadiiba Cali Siciid Fiqi u jawaabay dad badan oo u sheegay in qoraalkiisa uu yahay isir naceyb ka dhan ah dad gaar ah, islamarkaana uu deg deg uga saaro barta twitter, balse wuxuu ku dooday inuu ula jeedo Soomaali dhan.

Si kastaba, waxaa sheegashada Cali Siciid, oo ah nin caan ku ah qabyaaladda iyo naceybka, beeninaya inuu adeegsaday lahjad u gaar ah beesha Abgaal.

Aqoonyahan Cabdullaahi Jabriil oo la soo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegaya in ay tahay wax aan la aqbali karin in Cali Siciid uu isaga oo ku sugan Muqdisho oo ah magaalo beesha Abgaal, oo uu si nabad ah ku joogo, laguna soo dhoweeyey uu dadkeeda u gefo.

“Bulshadeena waa bulsho Soomaali jeceylka ka batay, waa bulshada kaliya ee si nabad ah loogu dhex noolaan karo oo aan dadka takoorin, balse waxaa maalin kasta loogu abaal-gudaa inay u gefaan kuwii ay wanaagga u sameysay,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Hadalka Cali Siciid ayaa imanaya ayada oo maalmahan baraha bulshada ay ka taagneyd dood u dhaxeysay dhallinyarada TikTok oo ku saabsan lahaanshahada Muqdisho, waxaana qoraalkiisa ka muuqata inuu beegsanayo dhinac ka mid ah dhinayada is haya.

“Waxaa yaab leh in xildhibaan qaran uu soo dhex-galo dood aan macno lahayn oo ciyaal TikTok ay views ku raadsanayaan, haddana uu dad gaar ah beegsado,” ayuu yiri Cabdullaahi.