Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo si cajiib ah uga hadlay arrinta Qatar iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub.

Cali Xaaji oo baarlamaanka 11-aad ee dalka kasoo galay dhanka Puntland ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha diblomaasiyadda, gaar aghaan arrinta Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin karinba kala eexasho labada dal ah oo ay sameyn karto dowladda Soomaaliya, loona baahan yahay Qatar inay la shaqeyso madaxweynaha cusub, si la mid ah madaxweynihii hore ee looga guuleystay doorashada.

“Dowladdaa, dowladdiinii hore saaxibka la aheyd dee dowlad ahaan ayey saaxib ula hayed ee shaqsi ahaan saaxib ula ma aheyn madaxweynihii meesha ayuu ka baxay madaxweyne cusub ayaa yimid,” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxa kale oo yiri “Haddii ay iyagu maslxad Soomaaliyeed wadeen waa inay la shaqeeyaan madaxweynaha yimid way ku qasban yihiin, haddii ay wax gaar ah wateen iyagaa og”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Xasan iyo waxa keenay inuu booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabo magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

“Madaxweynaha la doortay wuxuu xaq u leeyahay in la daayo oo fursad la siiyo cidda uu booqanayo isaga ayey ka go’daa, la-talin buu leeyahay nidaam ayuu ku socdaa. Cidda uu dib dhiganayo isaga ayey ka go’daa, cidda uu ku horeysiinaya isaga ayey ka go’daa”.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii xoogeysanayey loolanka ay Soomaaliya ugu jiraan Imaaraadka iyo Qatar oo 5 sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee Mudane Maxamed Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Abu Dhabi ay ku adkaatay loolanka iyo u dhawaashaha dowlada, maadaama madaxweynuhu ku bilaabay safarkiisa Imaaraadka.