Xildhibaan Fiqi: “Duullaanka lagu hayo Baarlamaanka waxaa isku bahaystay Maamul Goboleed, Xukuumadda iyo…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ee taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Mooshinku ka yaallo ayaa in xaalada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay soo jiideyso faragelin shisheeye.

Xildhibaanka ayaa taas sabab uga dhigay marka ay dhacdo in dadka mas’uuliyadda haya garaadkoodu uu sinmo oo la waayo marka dhibaato dhaco cid ku soo baxda, wuxuuna sheegay in adduunyada dimoqraadiga ah aan lagu arag xukuumad weearar ku ah barlamaankeedii, dhanka kalena u jilicsan wax kasta oo qaranimada dhaawac ku ah.

“Mashruuca duullaanka Baarlamaanka waxaa isku baheystay mid ka mida maamul goboleedyada dalka, xukuumadda iyo xafiiska madaxweynaha, isbahaysigani waa ujeeddo badan, arrinkaan ku midoobay balse kala ujeedo ah, waa arrin ayaandarro ah, dhaawac weynna u geysanaysa dawladnimada, muujinaysana heerka dawladnimadeenu taagan tahay..” ayuu yiri Xilhibaan Fiqi.

Wuxuu soo jeediyay in sharciga, dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha shacabka lagu kala baxo, isagoo xusay in dalka abaar xumi ka jirto, lana joojiyo Qadooyinka dhoolatuska ah iyo laaluushka, isla markaana loo weeciyo wax ka qabashada abaaraha, sida uu yiri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com