Xildhibaan Fiqi oo shaaciyey halis ka dhalan karta qorshe ay waddo Villa Somalia

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka amniga Galmudug ayaa ka hadlay arrinka doorashooyinka, isagoona ka digay qorshe lagu rabo muddo kordhin oo la sheegay inay waddo Villa Somalia.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in haddii doorashada lagu qaban waayo xiligeeda ay khatar badan ka dhalan karto, midaasi oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed oo baahsan.

Wasiirka ayaa xusay in muddo xileedka madaxda dowladda federaalka uu yahay Afar sano oo aysan xaq u laheyn inay hal maalin xataa ku darsadaan, maadama uu muddo xileedkoodii ka dhamaaday.

Fiqi ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha Villa Somalia ay ku rabto inay ku qabsoomto doorasho ‘qof iyo cod’ ah, taasi oo uu sheegay inay waqti u baahan tahay, isla markaana aan xiligan lahayn dad diiwaan gashan oo codeyn kara.

Wuxuuna si cad u sheegay inay dastuurka ka hor imaneyso inay codeeyan dad aan diiwaan gashaneyn, maadama aan hore looga diyaar garoobin arrinka tarakoobkaasi.

Wasiir amniga Galmudug ayaa ku cel-celiyay inay muhiim tahay in xiligeeda ay ku dhacdo doorashadu, taasi oo looga baaqsan karo xaalad cakiran oo suurtagal ah inuu dalku galo.

Wuxuuna ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in marnaba madaxda dowladda federaalka ee talada dalka haysa aan laga aqbaleyn muddo kororsi aan sharci aheyn.