FILISH oo amar cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Filish, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota guddoomiyeyaasha degmooyinka, midaasi oo ku aadan bilicda iyo muuqaalka Magaalada.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in roobab maalmihii u dambeeyay ka da’ay caasimada ay saameyn balaadhan ku yeeshen bilicda iyo muuqaalka guud ee magaalada, isla markaana loo baahan yahay in kaalin weyn laga qaato dar-dar gelinta horumarka.

Filish ayaa xusay in qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada ay biyo fadhiisteen, loona baahan yahay in laga howl-galo, isagoona guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ku amray inay kaalin lixaad leh ka qaatan nadaafada iyo bilicda caasimada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal cusub oo lagu dar-dar gelinayo horumarinta caasimada, isla markaana ay ka go’antahay ka shaqeynta dhinacyada amniga, Nabada, Nadaafada, bilic soo celinta Caasimadda iyo wacyigilin bulshada Soomaaliyeed.

Filish ayaa sidoo kale bulshada u balan qaaday inay si deg-deg ah uga howl-galayaan dhibaatooyinka uu sababay roobkii maalmihii u dambeeyay ka da’ayay caasimada.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ka da’ayey roob lagu qabowsaday, wallow uu banaanka keenay waddo xumo iyo habacsanaanta shaqo ee maamulka degmooyinka gobolka.