Sawiro: Taliye Odowaa oo ka bad-baaday qarax lagu dili lahaa (Sidee loo fashiliyey?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha ayaa ka badbaaday.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano saaruf lala eegtay gaadiidka uu watay taliyaha, hase yeeshee ka hor weerarka ay ciidamada rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo, sidaasna qaraxa lafu fashiliyo laguna bad-baadiyo taliyaha.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.. Si kastaba, qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga khaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

Taliyaha ayaa xilliga uu weerarku dhacay ka hor waxa uu kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga, waxaaa uu ku socday qayb kal eoo ka mid ah magaalada Muqdisho.