XILDHIBAAN ku dhaartay in MAAMULKA AXMED MADOOBE la geenaayo GEDO iyo Jawaab deg deg ah oo la siiyey

Buulo-xaawo (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa sheegay in maamulka KMG ah ee Jubba la geyn doono gobalka Gedo ee koonfur galbeed ee dalka.

Xildhibaanka oo hadda isaga iyo xildhibaanno kale ay ku sugan yihiin gobalka Gedo ayaa ku dhaartay in maamulka Axmed Madoobe la geyn doono gobalkaas isla markaana aaney dhici karin cid ka soo horjeesan kara.

Wuxuu sheegay in maamulka KMG ah ee Jubba uu ka arrimiyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Maamulka KMG ah ee Jubba waxaa mardhow la geyn doonaa Gedo mana jirto cid ka soo horjeesan karta” ayuu yiri xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga xuquuqul insaanka baarlamaanka Soomaaliya.

Dhawaan magaalada Doolow ee gobalka Gedo waxaa lagu heshiisiiyay maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulka Axmed Madoobe iyo Ahlu Sunnada gobalka Gedo kuwaasoo ku dagaallamay balad-xaawo.

Waxaa la sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay kala baxaan magaalada Baladxaawo maleeshiyaadka ku dagaallamay.

Maamulka gobalka Gedo ayaa u jawaabay xildhibaan Muuse Sheekh Cumar.  Maxamed Cabdi Kaliil waa guddoomiyaha gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya, wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado xildhibaan Muuse Sheekh Cumar iyo xildhibano kale oo doonaya inay dagaallo qabaa’il ka hol ciyaan gobalka Gedo.

Wuxuu sheegay in gobalka Gedo uusan hoos tagin maamulka KMG ah ee Jubba, dhawaana uu ka arrinsan doono aayihiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in gobalka Gedo aanu qeyb ka ahayn maamulka Axmed Madoobe oo la sheego in uu ka arrimiyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hadalka Maxamed Cabdikaliil ayaa jawaab u ah hadal uu xaley u sheegay Idaacadda Shabeelle xildhibaan Muuse Sheekh Cumar kaasoo sheegay in maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com