Madoobe oo xil qaadis ku sammeeyay laba wasiir kaddib shir qool loo dhigay (Qaska C/Weli, Kay iyo Shariif Xasan)

Beydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la sheegay in uu maanta oo Isniin ah xilka ka qaaday labo ka mid ah golaha wasiiradda maamulkiisa.

Wasiiradaas ayaa kala ahaa, wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammaanka Cabdifataax Geeseey iyo Shiino Macallin Nuurow wasiirka dowladaha hoose iyo reer miiga.

Wuxuu ku eedeeyay labadan nin in ay ka qeybgaleen shirweyn lagu burburiyay maamulkooda oo dowladda ay garwadeen ka ahayd kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labadaan wasiir ayaa la sheegayaa inay ku biireen Kooxda Shariif  Xasan ee sheegata Maamulka Koonfur Galbeed ee 3-da Gobol.

Gobolada Bay, Bakool, Gedo inta badan, qeyb kamid ah Gobolka Jubada Hoose sida Goobweyn waxaa gacanta ku haaya Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Sh/hoose waxaa gacanta ku haaya Maamulka Shabeele State ee ka kooban Sh/hoose iyo Sh/Dhexe maamulkaas oo uu hogaamiyo Madaxweyne Mardaadi.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, Nicholas Kay iyo Kooxda Shariif qaska ay ka wadaan xamar ee ay ku sheegayaan in Maamul KMG loo samaynayo 3 gobol ayaan la ogeyn meesha ay ka shaqeyn doonto.

Qorshaha Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo Xafiiska UNSOM Somalia ee uu Hogaamiyo Nicholas Kay ayaa ah mid dagaal looga abuurayo gobolada Soomaaliya.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaad moodaa in ay hadda kusoo baraarugeen in dalku ku jiro Gumaysi ka daran kii hore, Maadaama Gumaysigii hore uu ahaa mid cad, dadka soomaaliyedna ku mashquulsanaayeen sidii ay iskaga kicin lahaayeen, balse haatan dalku ku jiro gumaysi ka daran kii hore oo madaxda Soomaaliya lagu amrayo waxyaabo dalka ka abuurayo colaado aan dhamaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com