Xisbul Islam oo maanta isu-bedeshay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabo Xisbiga siyaasadda ee Istaqlaal.

Xisbigan ayaa waxaa guddoomiye loogu dhigay madixii arrimaha dibedda ee ururkii burburay Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin, waxaana ku mideesan kooxo diimeedyo iyo siyaasiiyin sidda aan xog ku helnay.

Isagoo ka hadlaayay ujeedka loo dhisay xisbiga Istaqlaal ayuu sheegay Sheekh Maxamed Macallin in xisbigan in uu door muuqdo ka qaato masiirka Soomaaliya isla markana uu isku soo dhaween lahaa ummadda Soomaaliyeed oo muddo 23-sanno dagaallo sokeeye oo wajiyo badan ku dhex jiray.

Wuxuu sheegay oo kale in xisbigan uu noqon doono mid siyaasi oo danaha shacabka Soomaaliyeed ka shaqeen doona.

Sheekh Maxamed Macallin guddoomiyaha xisbiga Istaqlaal ayaa wuxuu kaloo ka hadlay dagaallo dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo u dhexeeyay maleeshiyaad beeleedyo.

Wuxuu sheegay in haddii laga soo baxay dagaalladii qabiilka in hadda ay dalka ka billowdeen dagaallo dhinaca dhulka ah, wuxuuna ka digay haddii aan dagaalladaas laga hortagin in ay dhalin karaan dhibaatooyin hor leh.

Si kastaba, xibsiga Istaqlaal ayaa ku biiriya xisbiyo badan oo ka dhisan dalka balse aan la siin aqoonsi rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com