Go’aankii DF Somalia oo laga digay in dagaal beeleed uu hogaaamin doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinaha laga soo saarayo aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobo lee koofur galbeed Soomaaliya, kadib xaflad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer.

Aqoonyahan Yaxye Cali Ibraahim oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena ayaa sheegay in aqoonsigii shalay uu ahaa mid dhalin kara dagaalo dhanka qabaa’ilka uu ka dhaca deegaanada gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in arimahaasi hadda socda ay yihiin kuwo lamid ah kuwii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo sababtay in ilaa iyo hadda la isku fahmi waayo arinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Aqoonyahan Yaxye Cali Faarax, ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray wakiilka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey oo ku aadanaa inay la dagaalami doonaan cidii ka hor timaada hishiiskii la gaaray.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in Mr Afeey uu ku xad gudbay qaranimada Soomaaliya islamarkaana uusan xaq u laheyn inuu u goodiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsigii shalay ku weyday taageeradii beelaha Hawiye iyo kalsoonidii maamulka Shabeele State uu u hayay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Mudisho

Caasimada@live.com