DFS oo maamulka 3-da gobal si RASMI ah u aqoonsatay iyo warar dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay in ay heshiis dhex dhigto maamuladii iska soo horjeeday ee koonfur galbeed, iyadoona ku mideesay hal maamul isla markaana dowladda ay aqoonsatahahay

Xaflad ka dhacday xarunta Villa Hargeysa oo ah xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, xubno ka socda labada gole ee dowadda, siyaasiyiin iyo ergooyin caalami ah, ayaa labada dhinac ay kula saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya.

Waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen in la mideeyo labada maamul lana qaato hal maamul oo ah maamulka seddxda gobal.

Waxaa maamulka lixda gobal u saxiixay Cabdifataax Geeseey oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka lixda gobalka halka maamulka seddaxda gobal uu u saxiixay madaxweynahooda Maxamed Cabdi Nuur Madeer.

Maamulkan ayaa la sheegay in uu noqon doono mid kumeel gaar ah, waxaana goobta la sheegay cid kasta oo ka soo horjeesata in loo arki doono mid caqabad ku ah nabadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo heshiiska ay gaareen labada maamul, wuxuuna si weyn u ammaanay madaxweynihii maamulka lixda gobal Madoobe Nuunow Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu Madoobe Nuunow uu muujiyay tanaasulaad ballaaran oo ku aadan in uu go’aansaday in uu ku biiro maamulka seddaxda gobal, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid geesinimo ah.

Ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo gacan weyn ka geestay in la mideeyo labada maamul ayaa sheegay in maamulkii lixda gobal uu ku dhaqaaqay tallaabo geesinimo ah.

Wuxuuna goobta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsaneyso maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed Soomaaliya, kaasoo maamuli doona gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in uu usan la safan labada maamul midna ee uu qabay aragti uun isagoona meesha ka sheegay in uu taageersanaa maamulka lixda gobal.

Ma cadda sidda loo qeybsan doono maamulka seddaxda gobal maadama labada maamul uu ka koobkaa gobalo badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid ku guleysatay qorshaha ay lahayd oo ah in maamulka Koonfur

Galbeed laga dhigo seddax gobal maadma uu horrey u jiray maamul kale oo la dhaho Jubba kaasoo beesha caalamka ay aqoonsatay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku saabsan qorshaha dowladda ay ku heshiisiisay labada maamul kana dhigtay hal maamul oo ah seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com