Shirqool lagula wareegayo ganacsiga Soomaalida oo socda (Faah-faahin)

Beryahaan danbe waxaad la socotaan in shirar maalgashiyo iyo arimo ganacsi ku saabsan inay caalamka ka socdaan, loona qabanaayo Soomaalida ganacsatada ah iyo maalgashiyayaal Ajnabi ah. Arintaasi waa arin u baahan in si taxadar leh loola socdo lana doonaayo in laga feejignaado qorshayaasha ay maleegayaan qawlaysatada aadka ugu taqasusay sida loogaga faa´idaysto dalalka ay dagaalada sokeeye aafeeyeen oo ay horey cilmi baarisyo badan ugu sameeyeen.

Shirkii London ka dhacay ee ay dawladda Ingiriiska ay hogaaminaysay waxaa aduunku si hoose talada Soomaaliya loogu dhiibay dalka Ingiriiska iyo dalka Turkiga oo aysan Soomaalidu xasaasiyad weyn ka qabin aadna u caawiyey waqti ay Soomaaliya u baahneyd ilaa iyo haddana mashaariic waaweyn ka wada. Labada dawladood waa isku dan ayagoo hadana kala dan ah.

Dawladda Turkiya waxay doonaysaa inay Soomaaliya xasisho oo ay nqoto dawlad xoog leh oo dalka oo dhan maamusha, waxaana ka go´an inay Soomaaliya shacab ahaan iyo dawlad ahaanba wax ula qabato. Laakiin waxay ogaatay inay Soomaaliya ka jirto fursad shaqo oo u badan dhanka ganacsiga iyo maa lgashiga taas oo ku riixday inay shaqadoodii ay Soomaaliya ka wadeen ee hawlaha bani´aadamnimo ay ku daraan arimo ganacsi iyo mid maalgashiba, sdia inay diyaaradooda Turkish Airways ay shaqo toos ah ka bilowdo dalka Soomaaliya.

Laakiin dawladda Ingiriisku waxay u soo jeesatay inay baaritaan rasmi ah ku bilowdo Soomaaliya oo ay muddo iska fogeynaysay inay hawlaheeda hoose dhexgasho. Waxay bilowday inay safiir u soo dirto Soomaaliya. Waxay bilowday inay xod-xodasho u gasho in ergayga qaramada midoobay laga dhigo nin u dhashay dalkooda. Waxay bilowday inay baaritaano rasmi ah bilowdo oo la xariira arimaha dhaqalaha cusub ee soomaaliya, Siyaasadda cusub ee Soomaaliya iyo arimaha bulshada ee Soomaalida cusub.

Shirka qurbo-joogta ee Istanbul
Shirka qurbo-joogta ee Istanbul

Shirarka ganacsi ama maalgashi ee Soomaalida loo qabanayo sida kuwii lagu qabtay Nairobi Kenya, Sweden, Finland, iyo kan hadda ka socda Turkiyaba, iyo shirar badan oo daafaha caalamka ka kala dhacayaba waxaa intooda badan qaban qaabiya dalal shisheeye oo dano gaara leh oo uu u horeeyo dalka Ingiriisku.

Waxaa la doonayaa in la ogaado qaabka uu dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaalida ku kobcay mudadii burburka Soomaaliya oo ay dawlado nadaam iyo kala danbeyn leh ay dadkooda ugaga hor mareen ganacsigii iyo dhaqaale abuurkaba.

Waxaa la doonayaa in la ogaado oo Soomaalida dhexdooda laga ogaado waxyaabaha ay u baahan yihiin Soomaalidu si hadhow marka uu dalku dego ay dalalka iyo shirkadaha Ajnabiga ah ee doonaya maalgashiga Soomaaliya aysan hawl badna u marin oo ay yimaadaan ayagoo wata dhaqaale iyo farsamo ka sareysa midda Soomalaidu haysato sidaasna ay dhaqalaha dalkeena kula wareegaan ka dibna Soomaalidaan la xukumi waayey qab dhaqaale loo xukumo ayadoo loo marayo habka casriga ah ee ganacsiga aduunku u shaqeeyo. Soomaalidu ma ahan dad sir dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh.

Hadda waxaa la ogaaday waxa ay isku haystaan inay tahayq abiil iyo gobolaysi, marka qof walba gobolkiisa ayaa loogu tagayaa oo si toos ah loola xaajoonayaa, sidoo kale waxaa loo tagayaa dawladda Soomaaliya oo si toos ah loola xaajoonayaa looguna sheegayaa wax ka duwan wixii loo soo sheegay dawlad goboleedyada iyo qabiilada dhulkooda loogu tagay.

Dawladda Soomaaliya ma oranayso dalka anagaa dawlad ka ah maxaad ka doonteen goboladeena adinkoo fasax naga haysan noona sheegin waxa aad ka soo qabanaysaan, fasaxna naga haysan? Haddii ay ka dhaga adaygaana dalka ha imaanina ma oranayso .Goboladuna ma laha anaga dawlad ayaan leenahay oo xiriirada caalamiga ah ayadaa noo qaabilsan ee la xariira. Mustaqbalka dhow hogaanka dhaqaalaha Soomaaliya waxaa majaraha u qaban doona dad ama shirkado ajnabi ah oo Soomaalida ka dhigi doona Shaqaale hoose oo aan lahayn awood iyo xoriyad ay ku helaan xaqooda muwaadinnimo.

Shirkadahaasi waxay doonayaan inay shatiyada waaweyn ee dhaqalaha badan laga helo ay si sharci ah kula wareegaan, sida kaluumaysiga, baarista macdanta iyo shidaalka, korontada iyo biya galinta, dhismayaasha guryaha iyo hoteelada waaweyn, caafimaadka iyo xitaa waxbarashada iyo dhoofinta xoolaha nool, warshadeynta iyo wax soo saarka beeraha.

Haddaba hadii intaas nalaka qabsado Maxaa inoo haray. Ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka joogaan dal iyo dibad waa isku xiran yihiin. Wali ma aragtay ama ma maqasahay shir ay ganacsato Soomaaliyeed kaligood qabsanayaan oo ay ugaga hadlayaan horumarinta iyo kobcinta ganacsiga iyo wax soo saarka dalka?

Waxaan filayaa inay baqdintaas iyo welwelkaas ay dad badan oo Soomaaliyeed ay ila qabaan.

Haddaba hadii uu welwelkaas kugu jiro fadlan nala soo xariir oo fikirkaaga noogu soo dir e-mailkeena hoos ku qoran.

Mahadsanidiin

W/Q: Cali Xersi Kabayare

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid