Xildhibaannada HAWIYE oo la kulmay madaxweynaha (Maxay kala hadleen?)

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaannada ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud waxaana ay kala hadleen maamulada la isku heesto ee laga dhisaayo gobalka Shabeellaha Hoose.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Xasan Faarax ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in kulankaas looga hadlay siddii xildhibaannada beelaha hawiye ay uga walaacsan yihiin maamulada la isku heesto ee laga dhisaayo gobalada qaar ee dalka.

Wuxuu sheegay haddii dowladda aysan maareyn oo waxbo ka qaban maamulada is-barbar yaacaya ee laga dhisaayo dalka in ay ka dhalaan karaan cawaaqib aad u xun oo ay ku jiraan dagaallo lagu hoobto.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in maamulada qaar ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo ganacsato doonaya in ay curyaamiyaan dowladda sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in madaxweynaha ay ugu baaqeen in dowladiisa ay wax ka qabato arrintaas haddii kale xildhibaannada ka soo jeeda beelaha Hawiye ay qaadan doonaan go’an cad ah.

Hadlaka xildhibaan Cabdisamad Macallin Faarax ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda ay hadda ku howlan tahay siddii loo mideen lahaa labo maamul ka dhisan Baydhabo kaasoo mid sheegtay in uu maamulo lix gobal iyo mid kale oo sheegta seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com