Xildhibaan ku sugan furinta oo sheegay arrin yaab leh oo Al-Shabaab ay billaabeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay warbaahinta u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dagaalka gobolka Hiiraan u adeegsato dhalinyaro ay soo qafaasheen.

Xildhibaanka oo kamid ah xildhibaanada lagu soo doortay Beledweyne, kana qeybta ah siyaasiyiinta Al-Shabaab kula dagaalamaya Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyartaas ay argagixisadu geedo lugaha uga xirtay, si aanay uga cararin furimaha dagaalka.

Maalik Cabdalla oo la hadlay BBC ayaa tilmaamay inay hayaan caddeymo muujinaya arrintaas, islamarkaana ay ciidamada gacanta ku hayaan dhalinyaro qaabkaas u xir-xirnaa oo isa-soo dhiibay.

“Dagaal-yahanada ka tirsanaa qolada Khawaarijta ama ha noqoto inay xoog ku dagaal galinayeen oo soo qafaasheen ama ha noqoto farsamo ay keeneen hogaamiyeyaashooda si aysan u cararin, midaasi ayaa iigu yaab badneyd,” ayuu yiri.

“Marka dagaalka uu bilaabanaya ama la weerarayo inay kusii diyaar garooban oo ay ugu tala-galeen in aan meesha laga saarin ay tahay sababta geedaha loogu xirxiro. Waxaa laga yaaba in qofkaan markii lasoo qabanayay uusan raali ka aheyn in uu dagaalamo laakiin marka xabad ku socoto waa ku qasban yahay in uu iska celiyo wixii soo weeraraya.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan uu indhihiisa ku arkay, islamarkaana aysan aheyn baranbogaado ay dowladda ka abuurayso kooxda ay is hayaan.

“Maanta u dambeysay waxa jirtay labo dhalinyaro ah oo isa-soo dhiibtay, waxaa jirta dad aan soo qabanay asbuucyo ka hor oo noo sheegay inay dadka qafaalan oo waxaa hayna xogo aan ka hayno in 100 iyo ka badan dhalinyaro ah ka badan laga soo qafaashay waqooyiga gobolka Hiiraan.”