Xildhibaan Mahad Salaad oo faallo xasaasi ah ka qoray HESHIISKA doorashada

Heshiiska doorashada Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay.

Shalay waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis doorasho oo ay wada saxiixeen hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay RW Rooble, madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Sannad ka hor ayey ahayd in la saxiixo heshiiskan oo kale si doorasho u dhacdo inta uusan dhamaanin muddo xilliyeedka Barlamaanka Federaalka. Nasiib darro, Farmaajo oo xilligaa ka cabsanayay doorashada ayaa nala aaday jiq aan waddo marin, dalkana geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo si dirqi ah Ilaahey nooga badbaadiyay. 

Siyaasada Farmaajo ee ku dhisnayd muddo kororsiga, marinhabaabinta iyo ila meereysada waxay soo gaartay ilaa shalay gelinkii dambe, taas oo magac xumo u soo jiiday, meeqaamkiisa wax weyn u dhibtay. Tusaale waxaa ugu filneed shalay markii uu soo galay hoolka xaflada lagu qabanayay laguma soo dhaweyn xamaasaddii iyo meeqaamkii madaxweynenimo ee uu lahaan jiray Farmaajo, wuxuuna ahaa qofka ugu taageerada yar madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay, halka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ahaa mas’uulka ugu taageerada badnaa oo markii uu soo galay halmar isla diryaamay hoolkii. Ceebta Farmaajo ku dhacday si loo qariyo dhalinyarada protocol-ka hayay waxay maciin bideen in ay shidaan muusikadii astaanta calanka si dadka loo istaajiyo duqana habmaamuus Madaxweyne oo macmil ah loogu sameeyo!

Waxaan u mahadcelinaynaa RW Rooble, Madaxweyne Axmed Qoorqoor, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madasha iyo Ciidamada Badbaado Qaran iyo dhamaan waxgaradkii Soomaaliyeed ee jidka ku soo celiyay tareenkii doorashada, fahmayna xaajada xallismi la’ in uu sababteeda leeyahay dhagarqabaha hoggaanka hayay. Soomaalidii hore waxay dhihi jireen xaajo hadii ay murugto waa la sugaa “Dhuroobe u dhasha ama Dhagarqabe ayaa ka dhintee”. Dhuroobaha dalkaan u dhashay waa RW Rooble, wuxuuna dalka iyo dadka ka badbaadshay dagaal iyo burbur in uu dib ugu laabto, abaalkeedana ummadda Soomaaliyeed waa u heysaa. Sidoo kale guushan waxaa kaalin mugleh ka qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyagana waxaan leenahay waa midaad u dhalateen, u dhaarateen, mas’uuliyadana la idinkugu dhiibay in aad ka soo dhalaasheena waad ku mahadsantihiin.

Mar kale waxaan idin leeyahay hambalyo iyo horusocod wanaagsan. Guuleysta!

Hon. Mahad Salad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid