DF oo afar qodob kasoo saartay arday sabab yaab leh uga baaqaneysa imtixaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay xog la xiriirtay in boqolaal arday ah uga baaqan karaan gelida Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sarre, kadib arrin yaab leh oo ay ku kacday wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Waaliidin badan oo xiligaas la hadlay Caasimada Online ayaa u sheegay in ardaydooda oo Iskuulka joogay muddo aan ka yareen 12 sano in laga waayay liiska ardayda Imtixaanka galaya oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, markii la baarayna ay ogaadeen in loo qoray “Dropout” oo loola jeedo in ardaygu uu ka haray waxabarashada ama Iskuulka.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo arrintaas ka jaawabeysa ayaa xalay qoraal soo saartay, kaasi oo ay ku sheegayso in dib loo eegayo cabashada ardeyda sida qaldan looga reebay liiska ardayda Imtixaanka galaysa.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in waalidiinta iyo ardeyda cabaneysay ay dhageysteen maamulka wasaaraddu, islamarkaana lagu xaliyey afar qoddob oo kala ah;

1. In la diiwaan geliyaya cabashadooda
2. In cabashadooda laga jawaabi doono muddo ku siman laba toddobaad
3. In lala wadaagi doono Natiijada baaritaanka xogtooda
4. In imtixaan gaar ah laga qaadi doono kuwa xogtoodu ay sax noqoto

“Wasaaraddu waxaa ay la wadaageysa warkaan farxadda leh ardayda, waalidiinta iyo maamuladda iskuulada ee ay dhigtaan ardayda kasoo cabatay in aysan ku jirin ardeyda gelaysa imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020-2021-ka, waxaana ku dhiira-gelinayaa ardayda inay dadaal muujiyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Caasimada Online ayaa dhawaan xaqiijisay in ugu yaraan 130 arday ah oo ku nool magaalada Muqdisho ay wajahayaan halistaas weyn oo ay uga baaqan karaan Imtixaanka Qaranka ee dugsiga sare, kaasi oo Sabtida ka billaaban doono Muqdisho.

Waalidiinta wajahaya dhibaatadaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay u sheegtay in Iskuulada iyo Dalladaha aysan usoo gudbin magacyada ardaydooda oo ay u raadsadaan.

Ardayda iska waayey liiska wasaaradda ayaa qaarkood si buuxda u dhigan jireen Iskuullada, islamarkaana ay kaalmo hore ka geli jareen Imtixaanaadka Iskuulada qaadaan. Ardayda qaar ayaa Caasimada Online aragtay oo natiijo wanaagsan ka keenay Imtixaanka dhexe ee Iskuulka (mid-term exam).