SHARMA BOY iyo Maslax Mideeye oo galay shil gaari

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in  duleedka magaaladaas shil gaari ku galeen koox fanaaniin ah oo uu horkacayey fanaanka da’yar ee Sharma Boy.

Shilka ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa inta la xaqiijiyey hal qof oo dumar ah, ayada oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray ku dhawaad 3 qof oo kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in fanaan Sharma Boy uu soo gaaray dhaawac fudud, ayada oo lagu soo waramayo in uu Sharma uu waday baabuurka shilka galay.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in Maslax Mideeye uu kamid ahaa kooxda fanaaniinta ah ee shilka galay, waxayna dhawaan safar faneed ku tageen magaalada Garoowe isaga iyo saaxiibkii Sharma Boy oo muddooyinkii dambe ka wada shaqeynayey bandhig faneedyo.

Sawiro laga soo qaaday gaariga shilka galay ee ay saarnaayeen fanaaniintu ayaa muujinayey inuu gaariga rogday. Waxaa goobta shilka gaaray Ciidamada booliska Puntland.