Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Dhagey oo bilaabay ololo xilka looga qaadayo Madaxweyne Xaaf

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta haddana ah Xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo isna kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa si rasmi ah u bilaabay ololo ay ku doonayaan inay xilka uga tuuraan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ka hor imaaday mowqifka dowladda ee khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Labadaan Xildhibaan ayaa la sheegay in ololahooda laga dareemay Magaalada Cadaado iyagoo joogo Xamar, waxaana la aaminsan yahay inay ka go’an tahay sidii ay u difaaci lahaayeen dowladda dhexe, ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Mustaf Dhuxulow iyo Dhagey ayaa bilaabay inay lacago u ballan qaadaan Xildhibaanada Galmudug si xilka looga qaado Xaaf isla markaasna loo taageero madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo iyaga si toos ah uga hor imaaday Madaxweyne Xaaf.

Mustaf iyo Dhagey ayaa ah laba nin oo kasoo jeedo deegaanada Galmudug, waxayna siyaasiyiinta qaar ku eedeeyeen inay labadaan nin hurinayaan colaada Galmudug, maadaama ay dhinacyada is hayo meel la safteen halkii ay nabad iyo wadahadal ku baaqi lahaayeen.

Waxay  tallaabada ay wadaan Mustaf iyo Dhagey sababi doontaa inuu burburo maamulka Galmudug oo hadda hal lug ku taagan, maadaama uu khilaaf ka dhex bilowday, waxayna tallaabada labadaan nin keeni doontaa inaan dib dambe loo arag magaca Galmudug.

Ilaa hadda lama ogo xilka qarsoon ee uu Mustaf Dhuxulow u hayo dowladda Soomaaliya kaasoo keenayo inuu siyaasadda dowladda dhexda ka galo isla markaasna uu ka duwanaado Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ololahaan ay wadaan labadaan Xildhibaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan uu Mustaf Dhuxulow u sheegay wasiiradii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud inay isduraan cirbad si ay u adkeystaan, hadalkaasna wuxuu banaanka keenay siyaasaddii qarsooneyd ee Dhuxulow.