General Cirfiid oo is casili rabo markii ay isku dhaceyn RW Kheyre culeys badana uu dareemay

Muqdishom (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Axmed Cirfiid ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo xilkiisa iska casilo kadib markii ay isku dhaceyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Bilowga Khilaafka labadaan nin ayaa kasoo bilowday xasuuqii ka dhacay Bariire ee lagu gumaaday 10 qof oo intooda badan ay kasoo jeedeen Beesha Habargidir.

Markii ay soo shaac baxday Xasuuqi ka dhacay Bariire iyo hadaladii is khilaafsanaa ee kasoo yeeray Madaxda dowladda, ayaa waxaa ka been sheegay General Cirfiid madax ka tirsan dowladda kuwaas oo sheegay inuu xasuuqaas wax ka ogaa General Cirfiid.

Generaalka oo xanaaqsan isla markaasna aan jecleyn inuu warbaahinta la hadlo ayaa si lama filaan ah ula hadlay saxaafadda wuxuu u sheegay inuusan falkaas waxba ka ogeyn isla markaasna laga been sheegay.

Iyadoo aan weli laga heshiin khilaafka labada Mas’uul, ayaa haddana waxaa la isku qabtay arrin la xiriirto Mushaarka Ciidamada Xoogga dalka oo aan weli laba bil la siin wax mushaar ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sheegay General Cirfiid in Mushaarka Ciidamada Xoogga dalka uu yahay mid lama huraan ah isla markaasna uu amar ku bixinayo in si deg deg ah loo bixiyo.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheekada dhexda kasoo galay isagoo ka duulayo khilaafkii u dhaxeeyey isaga iyo Generaal Cirfiid ee ku saabsanaa Bariire, wuxuuna bilaabay ololo ku adan sidii loo joojin lahaa qorshaha lagu bixinayo lacagta Mushaarka Ciidamada Xoogga dalka si uu isaga hor keeno ciidamada iyo Taliyaha isla markaasna xilka looga qaado isagoo kaliya ka fakarayo waxa ka dhaxeeyo Taliyaha iyo isaga.

Kheyre ayaa General Cirfiid u sheegay inuu wado qorshe ku aadan in dhammaan ciidamada dowladda loo sameeyo akoono loogu shubo lacagtooda isla markaasna si toos ah ay bil kasta ugu dhacdo akoonadooda si loo joojiyo lacagta Ciidamada dowladda loogu qeybiyo.

General Cirfiid ayaa Kheyre u sheegay in arrintaas ay fiican tahay balse aysan Ciidamada Xoogga wax mushaar ah qaadan muddo laba bil,  aysana macquul aheyn inay sugaan inta akoono ay ka sameysanayaan ciidamada dowladda oo dhan midaasna ay qaadan karto waqti badan.

Wuxuu Generalka Kheyre ka codsaday in marka hore mushaarka labada bil ee Ciidamada xoogga la bixiyo markaas kadibna la bilaabo qorsho akoon loogu sameenayo ciidamada Dowladda, wuxuuna si cad ugu sheegay inaysanc Ciidamada sugi karin laba bil kale oo akoono lagu sameysto.

Labada Mas’uul ayaa ugu dambeyn isku fahmi waayey arrintaas, wuxuuna Kheyre isla waqtigaas u duulay dalka Mareykanka, wuxuuna Jeneral Cirfiid u sheegay dadka u dhow dhow inuu iska casili doono xilkiisa.

Sidoo kale culeysyada soo wajahay Generaalka waxaa kamid cadaadis ka soo wajahay Xukuumadda, Taliska Maraykanka ee AFRICOM iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia. kuwaas oo mid kastaa dhinacooda Dano u gaar ah ku cadaadisay Taliyaha, balse markii ay suuragali waayeen ay u soo jeesteen inay ka shaqeeyaan Curyaaminta Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka dalbaday Taliyaha Xoogga inuu Gobalka Shabeelaha Hoose ka soo saaro Ciidanka Guuto 3-aad, isla markaana Taliyayaashooda Maxkamad lala tiigsado, balse Taliyaha waxa uu sheegay in Ciidanka halkaasi jooga ay yihiin Ciidan Qaran, Dambi lagu hayana aysan jirin, ciddii cadaymo haysana ay Dacwo keento, taasoo ku abuurtay Xildhibaanaddii u tagay oo u badnaa Hal Beel inay ka caroodaan Taliyaha.

Maraykanka oo Mushaaraadka siiya Ciidanka Xoogga ayaa lagu qanciyay inay Mushaarka ka jaraan Ciidanka Guuto 3aad, iyadoo loo maray Saraakiil iyo Masuuliyiin Dowladeed oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhiga, kadibna waxaa la diyaariyay Qoraalo Been Abuur ah oo lagu eedeeynayo Gen Goobaale oo mar hore dhintay. Waxayna taasi keentay in Qoraaladooda meel la isaga tuuro.

iyadoo ay taagan tahay arrinta Guuto 3aad ayeey Saraakiil Maraykanka iyo Soomaali ah isla qorsheeyeen Labo Howlgal oo aan lala socodsiin Taliyaha, kuwaasoo ka kala dhacay Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose, Labadana lagu laayay Dad Shacab ah. Waxayna taasi keentay inay cambaarayn xooggan lagala kulmo Howlgaladaasi oo kii ugu dambeeyay Deegaanka Bariire lagu laayay in ka badan 10 Qof oo Beeraleey ah, Kadibna Gen Cirfiid waxa uu Warbaahinta u sheegay in Howlgalka Bariire uu ahaa Qalad dhacay, laguna laayay Dad Shacab ah, taasoo ka hor imaanysay Sheegashidii Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo Dadka la laayay ku sheegay Alshbaab.

Khilaafyadaas is biirsaday ayaa waxay culeys ku noqotay General Cirfiid oo ah nin aan aqoon isdaba marin iyo Qaran dumis, waxaana laga yaabaa inuu iscasilo, maadaama ay kheyre si weyn isugu fahmi waayeen mushaar bixinta Ciidamada.

Generalka ayaa laga soo sheegayaa inuu go’aan ku gaaray inuu xilkiisa iska casilo isagoo cabasho ka ah Kheyre oo uu ku sheegay inuu yahay nin xilkiisa ku heysto.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Booskaas uu dadaal dheer ugu jiro sidii uu u heli lahaa Duuliye C/wali Jaamac Gorod oo ahaa Gaashaanle Sare oo ka tirsanaa Taliska Ciidanka Cirka oo ka mida Talisyadda hoos tagga Ciidanka Xoogga.