Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo xildhibaanada uga mahad celiyey codka ay siiyaan gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibnaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xubnihii gadaal ka Riixayay Maqaamka  Muqdisho uu yeelanayo  ayaa aad uga mahad celiyay xildhibaanadii maanta Codkooda ku  taageeray Maqaamka Muqdisho.

Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan, ayaa waxa uu ka dhacay maanta Xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna ahaa kulan la wada sugayay mudooyinkii la soo dhaafay.

Ku dhawaad 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in Gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare , halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

“Waxaan uga mahad celinaa xildhibaan kasta oo maanta qeyb ka ahaa  ama u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, iyo kuwii ka soo hor jeeday oo dareenkooda muujiyay, dalka waa Dimuquraadiyad, waana la diidi karaa waana la yeeli karaa,   waxaan leeyahay waa mahadsantihiin shukran,” ayuu Yiri xildhibaan Mustaf dhuxulow oo ka mid ahaa Xildhibaanadii halganka u galay sidii Muqdisho ay u heli lahayd matalaad rasmi ah sida gobolada kale ee dalka..

Sidoo kale dhuxulow ayaa ka codsaday xildhibaanada siyaasadaynaayo maqaamka muqdisho in ay ka dayaan, oo muqdisho ay tahay magaalo loo dhan yahay, oo Somali ay leedahay.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Carabow, Wasiirad khadiijo, Xildhibaan Mustaf dhuxulow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii sida adag u daba taagnaa maqaamka Muqdisho  in uu guuleesto.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com
Nairobi Kenya
Tell-+254-711830393