Xildhibaan ka mid ah kuwa ugu miisaanka culus BF oo xog cusub ka bixiyey fadeexada Soma Oil

Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirkii hore ee Dastuurka Somalia, hadana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka ayaa sharcidaro ku tilmaamay Heshiiska lala galay Shirkada Shidaal Baarista qaabilsan ee Soma Oil & Gas oo laga leyahay dalka UK.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ka gaabiyeen la socodka heshiiyada Xukuumadda ay la gelayso shirkada shisheeye.

Wuxuu sheegay in heshiiska Shirkadaan qol madoow lagu saxiixay oo Baarlamaanka Somalia aysan waxba ka ogeyn, waxaana uu ku tilmaamay mid aanan sharciga waafaqsaneyn heshiiskaasi.

Isaga oo hadalka siiwata XIldhibaan Xoosh, wuxuu Baarlamaanka ugu baaqay inay dib u eegis ku sameeyaan sharci ahaanshaha heshiiskaasi, maadaama Baarlamanka aanan la horkeenin.

Shirkada Soma Oil & Gas ayaa lagu eedeeyay inay bixisay dhaqaalo badan oo ay siisay Wasaarada Batroolka Somalia si loogu fududeeyo heshiiskaasi.

Wasaarada Batroolka Somalia ayaa sheegtay inay diyaar u tahay baarista lagu sameynaayo heshiiska dhexmaray Wasaarada Batroolka iyo Shirkada Soma Oil & Gas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com